SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ganacsade Lagu Dilay Gudaha Magaalada Hargeysa Ee Soomaaliland

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland in lagu dilay mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Hargeysa xili uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taala Gudahada Magaalada Hargeysa.

Ninka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Farxaan Maxamed Aadan (Casaanyo) waxaana la sheegay in uu ahaa kuwa ka Ganacsada Dharka islamarkaana dilkiisa loo adeegsaday Tooreey.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Ganacsdahaas uu dilkiisa ka dambeeyay isla mid kamid ah Ganacsatada oo deris la ahaa kadib markii xoogaa uu khilaaf soo kala dhex galay.



Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay xalay,waxaana maydka marxuunkan la geeyay Isbitaalka magaalada Hargeysa.

Waa Dhacdo ku Cusub deegaanada maamulka Soomaaliland taas oo ilaa iyo hada ay hadal hayaan Shacabka Magaalada Hargeysa.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®