SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha G/hiiraan oo sheegay in Dhalinyaradii Lagu Qabtay Boosaaso aysan aheyn Al-shabaab

 

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Gaarigii lagu qariyay Waxyaabaha qarxa ee ka baxay magaalada Beledweyne islamarkaana lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.


Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Cali jeyte cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhalinyaradii dhawan lagu qabtay Magalaada Boosaaso ee Gobolka bari islamarkana la socday gaari siday qudaarta ee lagu dhax qariyay waxyabaha qarxa aysan ka tirsaneyn Xarakad Al shabaab balse lagu qalday waxyabahan qarxa.

Cali jeyte cismaan Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle ka codsaday Maamulka Puntland inay u cadaalad falan, islamarkaana ay hubana in dhalinyaradaas aysan ka tirsaneen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Cali jeyte cismaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Magalaada Baladweyne laga raro waxyabahan qarxa islamarkana aysan ka war helin Maamulka iyo lamaha aminga isago amaanay ciidamada puntland ee gacanta ku dhigay waxyabahan qarxa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®