SHALEY WAXAY AHEYD MAALIN MADOOW(Riix) 05.10.2013

Xukuumada Saacid iyo Sanad kadib (Faalo)(Riix) 05.10..2013
Odey ayaa Yiri "Qofkii raalli geli isyiraahda dadka (RiiX) 04.10.2013
MAXAA KEENAY QARAWGA JUBBOOYINKA (RiiX) 03.10.2013

15/06/2015
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maxaan ka dhaxalnay kooxda argagixisada Al Shabaab (Maqaal)


Waxaa muuqata in kooxda Al-Shabaab ay noqdeen gabbal sii dhacaya. Ka sokow dagaalka dhinaca milietriga ah, waxaa Kooxda u soo kordhaya khilaaf, ummadda Soomaaliyeed oo sii nacda, iyo iyaga oo ogaada inaysan jidkii saxda ahaa ku socon oo markaasi awooddoodii ay sii wiiqanto.
Haddaba waxaan qoraalkan ku eegi doonaa waxyaabaha lagu xusuusan doono ee taariikhda u gelaya kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ummadda Soomaaliyeed ay ku soo kordhiyeen. Liiska wuu dheer yahay, hase yeeshee waxaan ka soo qaadan doonnaa kuwa ugu waaweyn:
1. Is-qarxin:


Soomaalidu caado uma lahayn in qof uu naftiisa gooyo nooc kastaba ha ahaatee. Ummadaha adduunka qaarkood waxaa caado ah in qofka marka uu duruuf qallafsan la kulmo inuu is daldalo ama uu sun cabo. Ummadahaas waxaa ku jira qaar badan oo Muslim ah. Laakiin marnaba Soomaalida laguma aqoon inay isdilaan.


Hase yeeshee Al-Shabaab waxay dhaqanka Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen qof naftiisa halligaya, oo intuu wax isku soo xirxiro leynaya dad badan oo weliba Soomaali ah. Waxaan taariikhda Soomaalida ka go’i doonin is-qarxintii ka dhacday B/weyne, Hotel Shaamo, Hoteel Muna, Xasuuqii Hargaha iyo Saamaha iyo goobo kale oo ay ku nafwaayeen Soomaali badan oo aan waxba galabsan. Tolow carruurtii ay ka tageen intii ku nafweysay qaraxyadaas maxay ku sameyn doonaan dadka madaxda ka ah Al-Shabaab? Malaha taas ayaa sabab ujeedka dagaalka aan dhammaan ee Al-Shabaab.


2. Masjid hortiis qof lagu dilo:


Masjidku wuxuu diinta iyo dhaqanka Soomaalida kaga jiray meel sharaf leh. Hase yeeshee, Al-Shabaab waxay Soomaalida ku soo kordhiyeen qof lagu sugayo masjidka albaabkiisa. Dadkaas la dilay waxay isugu jireen qeybaha bulshada oo dhan. Arrintaas waxay sababtay in ummaddii ka go’do masjidka xitaa deegaannada ay ka taliyaan.

3. Gaaleysiin: Kaligood-Muslim:


Al-Shabaab qofkii aan iyaga ka tirsaneyn waa gaal. Dad badan baa u haysta in Al-Shabaab gaalo u yaqaannaan dadka ka shaqeeya Dowladda KMG ah, balse sida ay u yaqaannaan intaas waa ma mug ballaaran tahay, laakiin waxay ka baqayaan in bulshada oo dhan ku soo jeesato.
Khilaafka diinta ee masaa’isha qaarkeed weligiisba waa soo jiray, laakiin heer laysku laayo ma soo gaarin Al-Shabaab ka hor.


Fikradda Al-Shabaab waa midda takfiirka oo ka soo billaabatay dalka Masar. Ninka ugu sarreeya Al-Qaacida (Ayman Al-daahiri) waa nin ka tirsan takfiirka Masar. Marka ma kula tahay in Al-Dawaahiri oo takfiir ah inuu xilka Soomaaliya u sii hayn lahayn qof aan takfiir ahayn?

4. Caasin:


Al-Shabaab waxay ummadda, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada ku barbaariyeen inay caasiyaan waalidkii dhalay ama soo koriyay iyo macallimiintii wax soo baray.
• Waalidka:


Carruurta u dagaallanta intooda badan waa laga qafaashay waalidkood oo raalli kama aha.
• Culimada:


Culimada Soomaaliyeed ee iyaga diinta soo baray ayay ku abaal-dhaceen. Culimada Soomaaliyeed ee dadka wax soo bari jiray midna ma taageersana waxyaabaha ay ku doodayaan Al-Shabaab. Taasi waxay keentay inay isugu soo haraan dhallinyaro aan badankood diinta aqoon badan u lahayn? Bal sheeg dad ay diin bareen Godane, Roobow, Xasan Daahir, Afgaani iyo Shoongole? Waxaan aflagaaddo, layn, qixin iyo halaag ahayn oo laga bartay ma jiraan.


• Odoyaasha dhaqanka iyo qof weyn:


Al-Shabaab waxay ummadda ku soo kordhiyeen inaan la ixtiraamin qof weyn iyo oday dhaqameed bulashadu ixtiraami jirtay. Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan ku sooa arkay Ceelasha Biyaha oo Shabaab ka taliyaa waxay ahayd wiil yar oo 15 jir ah oo ul ku garaacaya hooyo 60 jir ah, iyadoo dambiga ay gashayna uu yahay inay saako baati ah gashatay.


5. Takoor ummadeed:


Al-Shabaab waxay keeneen in qofka Soomaaliga uu noqdo tuke cambaar leh baasaboorkii uu doono ha watee. Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo uu adduunka ka joogo marnaba loogama baqi jirin waxyaabaha xunxunka ah sida daroogada, tuugannimada iyo anshax-xumo kale. Balse Al-Shabaab waxay ummadda Soomaaliyeed kuwo looga baqo inay amni-darro ku keenaan dalalkii martigeliyay, taasoo ka dhigtay qofka Soomaaliga ah mid laga cabsado oo aan niyad-sami lagu soo dhoweyn karin.

6. Kalsoonida bulshada dhexdeeda:


Bulshada Soomaaliyeed waxay caado u lahayd kalsooni iyaga dhexdooda ah oo ka sarreya heerka dadyowga adduunka. Xitaa dagaalladii qabiilka, waxaa jira dad aad ku kalsoonaan kartay sida xididka, waalidka, dadka aan waalidka u tahay, dariska, iwm.


Hase yeeshee Al-Shabaab waxay meesha ka saareen kalsoonidii bulshada isku qabtay, taasoo ka dhalatay kaddib markii qofka loo soo adeegsanayo dadka uu waalidka u yahay ama ay aad isugu dhow yihiin oo uu kalsoon yahay illaa heer gabar ay isku qarxisay adeerkeed oo weliba mustaqbalkeeda ka shaqeynayay.

7. Horumar la dagaallan:


Al-Shabaab waxay la dagaallameen horumarkii awalba liitay ee dalka jiray. Imisaa iskuul, jaamacad, ganacsi, isbitaal, iwm ayaa dartood u xirmay? Taas beddelkeed weligaa ma maqashay Al-Shabaab oo fureysa iskuul, jaamacad, ganacsi dad shaqo ka helaan ama isbitaal dadka lagu daweeyo? Jawaabtu waa maya.

8. Urursiga carruurta dibjirka ah:


Doodda diineed ee Al-Shabaab waxay ku beenowday kaddib markii ay carruurta dibjirka ah ay u adeegsadeen hurinta colaadda ay dalka ka wadaan. Haddii ay dhab tahay inay jihaad ku jireen maxay tahay nafta ay dib dhiganayaan? Maxaan u maqli la’nahay dadka magaca oo dagaal ku dhimanaya ama isqarxinaya? Maxaan u maqli la’nahay carruurtooda oo isqarxinaya?


Maxaa madaxdooda xaq u siiyay inay carruurtooda ku noolaadaan dalal dibedda ah, kuwa Soomaaliyeedna ay ku noolaadaan xeryaha qaxootiga iyo kuwa loo barakacay? Godane reerkiisu wuxuu ku nool yahay magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka, Xasan Daahir 4 xaas iyo carruurtiisaba waxay ku nool yihiin magaalada Qaahira ee dalka Masar, Shoongole waxay carruurtiisa ku nool yihiin dalka Masar.

9. La-dagaallanka aqoonta:


Al-Shabaab waxay ummadda ku soo kordhiyeen dhaqan aqoonta la dagaallama. Tusaale ahaan deegaannada ay ka taliyaan waxaa ka haajiray dhammaan intii aqoon lahayd. Way yar tahay tirada dadka aan aqoonta lahayn ee Al-Shabaab dileen.


Waxaa kalo ay Al-Shabaab aqoonta kula dagaallamaan inay qarxiyaan goobaha waxbarashada aasaaska u ah. Tusaale qaraxyadii ka dhacay Shaamo iyo Hargaha iyo Saamaha waxay ahaayeen qaraxyo lala beegsaday waxbarashada oo bulshada laga niyad-jebinayo waxbarashada.

10. Nafta oo la qiimo-tiray:
Al-Shabaab waxay dhaqanka Soomaalida ku kordhiyeen ‘hantidaada waan nabad gelinayaan, laakiin naftaada maya.” Deegaannada ay ka taliyaan cidna waxba kuma dhici karto, laakiin waa laguugu dili karaa oo ammaanka naftaada cidna kuuma dammaanad-qaadi karto.


Sidaasi darteed Al-Shabaab waxay nafta bani’aadamka ka dhigeen waxa ugu rakhiisan oo xitaa ka rakhiisan mobile-kaaga. Si kale haddaan u dhigo Al-Shabaab hantida aad wadato way kuu nabad-gelinayaan, laakiin naftaada maya oo canug yar oo 15 jir ah ayaa go’aan ka gaaraya noloshaada.

11. Qabuuro-faagis:


Dadka Soomaalida ah waxay dhaqan diineed u lahaayeen in la ixtiraamo meydka, in la soo faago qubuurahana waxaa loo arki jiray wax cuqubo lagu galabsanayo. Hase yeeshee, Al-Shabaab waxay burburiyeen qubuuro meydadkii ku jiray si sharaf-darro ah bannaanka loo soo saaray.


Xitaa haddii siday ku doodayaan loo yeelo oo aan dhahno waa la caabudayay qubuuraha, tolow maxay mowtadaasi dambigaas wax ku leeyihiin? Caqliga bani’aadamka wuxuu na siinayaa inay ummadda wax ugu sheegaan si deggen.

12. Astaamaha aqoonsiga iyo dhaxalka Soomaalida:
Al-Shabaab waxay dagaal ba’an ku qaadday wax kastoo astaan u ahaa jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa ugu horreeya dowladnimada oo Al-Shabaab ma doonayaan inay Soomaaliya dowlad ka dhalato, xitaa mid ay iyaga madax ka yihiin ee waxay rabaa fowdo iska socoto.


Waxay kaloo la dagaallameen calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed. Aqoondarrada diinta ka haysata awgeed, Al-Shabaab waxay dambi moodeen Soomaalinnimada, oo waxay u haystaan inaan Muslim Soomaali ah la noqon karin.


Taas beddelkeed waxay keeneen dhaqanno dalal ay leeyihiin, sida dharka ay xiran yihiin oo ah dharka laga xirto koonfurta Aasiya sida Hindiya, Pakistan iyo Afghanistan. Miyeysan ogeyn in dharkaas ay u moodaan inay ajar lagu helayo inuusan waxba ka duwaneyn macawiis iyo shaatiga aan dhaqanka u leenahay?

13. Gorwac dadeed:
Soomaalidu weligeed waa is dili jirtay sababtu ha kala duwanaatee. Hase yeeshee, waxaa wax lala yaabo ah oo dhaqanka Soomaaliga ku cusub qof inta la gowraco la soo dhigo meel bannaan ah.

14. Rag wajiga daboosha:
Ninka ragga ah waxaa lagu yaqaannay inuu bareerihiisa bannaanka la yimaado. Hase yeeshee, waxay Al-Shabaab dhaqanka Soomaalida ku soo kordhiyeen nin wajiga daboolanaya.

15. Diintoo dadka la nacsiiyo:
Al-Shabaab waxaa laga dhaxlay in bulshadu ka diddo diinta, waayo waxaa diintii laga dhigtay wax lagu sameeyo wax kastoo fool-xun. Hadda mar aan Muqdisho booqday waxa ugu badan ee dadku ka cabsadaan waa inaad aragto qof astaan diineed leh. Waxaad naxaysaa marka aad meel luuq ah isaga hor timaaddaan wiil dhallinyaro ah oo cimaamad wata, halka uusan dareen ku galeynin haddii aad isla meesha ku kulantaan wiil jaad wata oo sigaar dhuuqaya.


Al-Shabaab waa tageen awood ahaan, laakiin wixii xumaan ahaa ee ay ummadda bareen waxay noqon doonaan kuwo iyaga lagu soo xusuusto. “Ayax tag, eelna reeb”


W.Q. Wariye ,
HASSAN MAXAMED KHALIIF
Hassanyare2016@gm

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®