Qeybtii 27-aad
Macallin wax u dhiga fasaladda kowaad ee dugsiga hoose ayaa
waxa uu arkay arday yar oo ah fasalka kowaad oo aan garaneyn
sida qalinka loo qabsado waxa uu kaloo macallinku gartay in
aanu ardaygu dersigana aad u fahmeyn, macallinkii waxa uu weydiiyey
intuu u soo dhawaaday ardaygii [adeer midkee badan 13 iyo 19?
Ardaygii waxa uu ku jawaabay [waxaa badan 13 macallin] macallinkii
waxa uu mooday in aanu fahmin ardayga su’aasha uu weydiiyey,
waxa uuna damcay in uu si kale ugu balbalaariyo oo waxa uu yiri;
[adeer haddii laguu keeno saxan ay ku jiraan 13 xabbo oo liimo
ah iyo mid ay ku jiraa 19 xabbo oo liimo keebaad qaadan lahayd?
Waxa uu ardaygii yiri; p waxa aan qaadan lahaa saxanka ay ku
jiraa 13ka xabbo!!! Macallinkii waxa uu eegay ardaydii waxa
uuna ku yiri ma saxbaa jawaabtaas; [arday baa hadlay oo ku yirir
macallin jawaabtaasi waa sax, waayo wiilka waxa laga yaabaa
in aanu liimada jeclayn. Waxaa qosol jaanta waray macallinkii
iyo ardaydii.
Xusuusta dhulkaaga
Soomaalidu waa dad Muslin ah, dhulkooda waa Soomaali waxa uuna
dhacaa khariidada ahaan qorax ka soo bax geeska Afrika, bari
waxa ka xigga badweynta Hindiya galbeedkana waxaa ka xigga Itoobiya,
koonful gablbeedna waxaa ka xigga Kenya, waqooyigana gacanka
cadmeed, Soomaaliya waxa ay ku fadhidaa dhulka dhan 262,0002
[mayl oo laba jibaaran] tirada dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa
4.5 milyan.
Af-Soomaaligu waa luqada rasmiga ah oo ay Soomaalidu ku hadasho,
Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta Afrika ugu dheer marka laga
reebo Koonfur Afrika, xeebtaas oo lagu qiyaasay dhererkeeda
2,000 may [3200 km] waxaana lagu sheegaa xeebaha Faransiiska
iyo Talyaaniga oo laysku daray, caasimadda waa Muqdisho.
Xilliyada Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa iyana afar xilli:-
Janaayo - Abriil - Jiilaal
May - Juun - Gu’
July - September - Xagaa
Oktoobar - Disem - Dayr
Soomaaliya waxaa mara labo webi oo la kala yiraahdo Jubba iyo
Shabeelle, labaduna waxa ay ka yimaadaan Itoobiya oo deris kala
ah dalka galbeedka, webiga Jubba oo ka weyn webiga Shabeelle
waxa uu dalka ka soo galaa Dooloow, waxa uuna maraa magaalooyinka
Luuq, Baardheere, Saakoow, Dujuuma, Jilib. Waxa uuna badweynta
hindiya kaga darsamaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo
u jirta 30km.
Webiga Shabeelle waxa uu dalka ka soo galaa meel Feer-Feer u
dhow, waxa uuna maraa magaalooyinka B/weyn, B/burte, Jowhar,
Balcad, Afgooye, Janaale, Golweyn. Waxa uuna ku dhammaadaa meel
Jilib u dhow oo la yirhaado Dhaay-Tubaako.
Soomaalidu waxa ay leedahay dekado, dabiici ah iyo kuwo kale,
waxaana dekadahaas ka mid ah, dekada Kismaayo, dekada Marka,
dekada Muqdisho dekada Hobyo, dekada Maydh, dekada Xiis, dekada
Boosaaso iyo dekada Berbera.
Dhulka Soomaaliya waxaa mara xariiqda dhulbadaha, waxa uuna
ka maraa dhanka gobollada koonfureed gobolka Jubadda hoose tuulada
la yiraahdo Sanguuni. Soomaalidu gaadiid dhaqan ahaan ay rarato
waa sadex:-
Awrta
Dameeraha
Fardaha [Baqlaha]
Soomaalidu 80% waa reer guuraa xoolo dhaqato ah, waxa uu dalka
70% dhaqaalihiisu ku dhisan yahay xoolaha dibedda loo suuq geeyo.
Dhulka Soomaaliyeed marka sideed qaybood loo qeybiyo meel ahaa
ayaa ku habboon wax beerista waana qiyaas dhan 32.6152 mayl
oo laba jibaaran.
QORAALKA FARTA SOOMAALIGA
Taariikhdu markay ahayd 1dii Janaayo 1970kii ayaa la sameeyey
gudi Af-Soomaaliga ka shaqeeya iskuna duwan farihii xiligaas
jirey oo ay ka mid ahaayeen.
Farta laatiinka
Farta carabiga
Iyo farta cusmaaniya
Middii laga qaadan lahaa gudiga guntiga ayuu dhiisa isaga dhigay
sidiin uu si deg-deg ah ugu fulin lahaa hawshaas waxa ayna socotay
muddo labo sano ah, 21kii Oktoobar 1972dii waxaa lagu dhawaaqay
in la qoro farta Soomaaliga [iyada oo laatiin ah]
Magacyada xubnaha gudiga Af-Soomaaliga 1971 – 1972
Xubnaha gudiga Af-Soomaaliga waxa ay ka koobnaayeen 31 qof oo
u kala baxa murti yaqaano iyo farsamo yaqaano waxa ayna kala
yihiin:-
Cumar Aw Nuux
Maxamed Shire Maxamed
Cabdi Daahir Afey
Sheekh Jaamac Cumar
Yaasiin Cusmaan Kaynadiid
Axmed Cali Abokar
Muuse Ismaaciil Galaal
Axmed Cartan Xaage
C/llaahi Xaaji Maxamuud [Insaaniya]
Xuseen Sheekh Axmed Kaddare
Ibraahim Xaashi Maxamed
Shariif Saalax Maxamed
Cabdullaahi Ardeeye
Cabdullaahi Xaaji Abokar
Maxamed Nuur Caalim
Maxamed Xasan Aadan
Mustaf Sheekh Xasan
Xirsi Magan Ciise
Dahabo Faarax Xasan
Maxamed Xaaji Xuseen [Sheeko Xariir]
Yuusuf Xirsi Axmed
Shire Jaamac Axmed
Iikar Baana Hadaad
Axmed C/llaahi Qaalib
Faadumo Xasan Maxamed
Maxamed Axmed Abuukar
Yuusuf Sheekh Cali
Axmed Ashkir Bootaan
Xaaji Aadan Af-Qalooc
Jaamac Xaaji Xasan
Axmed Faarax Cali [Idaajaa]
DULUCDA SHEEKO XARIIRTA
Dulucda sheeko xariirta waxaa weeye, in lagu maaweeliyo carruurta,
waxaa lagu baraa dhaqanka, geesinimada, aftahanimadda iyo dhaqanka
wanaagsan waxaana lagu kasbadaa jaceylka carruurta.
Sheeko xariirtu waa sheko loogu talo galay caruurta laakiin
mararka qaarkood waxaa looga waxaa looga sheekayn karaa dadka
waaweyn ama waayeelka iyada oo looga gol leeyahay in la cuskado
murti ku jirta.
Tusaale:-
Dhurwaa iyo Habar dugaag
Beri baa waraabe waxa uu isugu yeeray habar dugaag, waxa uuna
ku yiri [aniga ayaa maanta isugu kiin yeeray, waxa aana isugu
kiin yeeray in aad magaca waraabe iga beddeshan magacaas oo
aan aad u dhibsaday, iiguna beddeshaa magaca Aamin, markii ay
habar dugaag hadalkaas maqashay ayey go’aan waxa ay ku
gaareen ka hor inta aan waraabe magaca Aamin loogu wanqalin
in ay tijaabiyaan, waxa aana la isla gartay in loo dhiibo oo
uu bariiyo caawa hal iyo nirigteeda, waxa ayna isagii ku yiraahdeen,
haddii berito laguugu yimaado hashaas oo badqabta, markaas ayaan
kuu aqoonsanaynaa magaca Aamin.
Markii waraabihii ay habar dugaag uga hoyatay hashii iyo nirigteedii,
ayuu habeenkii intiisii badnayd xil iska saaray sidii uu u gudan
lahaa balantaas uu qaaday, laakiin markii dambe ayuu ishayn
waayay oo is yiri, war si aad magacaana u hesho, una casheyso
xoogaa yar maad ka garoocatid hasha iyo nirigtaba, markaashuu
hashii naasaha ka cunay nirigtiina labada faruuryood goostay,
markii waagii beryay ee ay habar dugaag isu timid si loo hubiyo
sidii waraabe amaanadii u gutay ayey yiraahdeen waraabow caano
noo soo lis, waaba aragnaa in ay hashii iyo nirigtiiba bedqabaane,
markaasuu intuu gees u dhaqaaqay ku yiri wixii wax nabed geliya
Aamiin u bixiya, maxayse ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa!!! Markaasaa
magacii waraabe dhurwaa loogu daray.
Lasoco
Qeybta Xigta todobaadka Danbe ama Axada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey
Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com