Qeybtii 9-aad
ALLAA WATOO WEHEL UMA BAAHNA
Waxaa la yiri diinku waagii hore ma laheyn qolofta adag ee
uu dusha ku leeyahay. Wuxuu ahaa hilib soconaya oo dusha xayaabo
ku leh, maalin baa Shimbiruhu u heshiiyeen inay cunaan hilibkaas
fiican ee jilicsan. Diinkii baa loo soo digay "Waar shibirihii
baa kuu heshiiyeee dhuumo oo isqari". Wuxuu ku tiraabay:
"sow halkay iigu shawrayeen. Ilahaayey ma joogin?"
waxaa lagu yiri, "Ilaahay meel walba waa joogaa"
haddaba ka xil la'aada wax aan ka baqayaa ma jiro, maxaa yeelay
Ilaahey isagaa yaqaan sida uu ii ilaalinayo. Naftaydaan aaminsanahay,
Ilaahayna waan ku kalsoonahay taladiisana wax lalama simo".
Ayuu yiri diinkii.
Shimbirihii oo koox-koox u wada socda ayaa diinkii soo weeraray
ayaandaradooda waxay u yimaadeen diinkii oo qolof adag eebbbe
ku dahaaray, kumase qancin ee qoloftii bay afkoodii fiiqnaa
la dheceen oo is yiraahdeen ka dhex dusiya. Waxaase ka raacday
mahadho weyn iyo waxaan laga soo waaqsan, halkii ay ka heegayeen
inay ku shimbiro waaqleeyaan oo ay cunaan, ayaa shibir waliba
afkii soo laabmay isagana korkii baa ka buus-buusmay.
WEYDIIMO
5. Shimbiruhu maxay ku heshiiyeen? Waayo
6. waa maxay shimbiro waaqlaysku?
7. diinka maxaa nabadgalyeeyey, maxaase u sabab ahaa?
8. dulucda sheekadu waa maxay?
MAAH-MAAHYO
4. Allaa watee wehel uma baahna
5. hunguri wadkii ma arko
6. nin Ilaah leh looma dar-daar weriyo.
Halxiraale
Addimo goroyo ma jeenyaa mise waa lugo?
KABACALAF IYO HURYO
Waxaa laga yaabaa in aad akhristay ama aad maqashay sheekooyin
badan oo ku saabsan kabacalaf iyo huryo, waxay u badan yihiin
sheekooyinkoodu sheekooyin xeelad iyo khiyaamooyin ay ku dheehanyihiin
oo qosol badan. Sida aan sheeko ku helay waxaa la yiri beribaa
huryo iyo kabacalaf oo isqaba waxay la daganaayeen reero meel
miyi ah ku nool, xilligu jiilaal buu ahaa cunto iyo biyo yarina
deegaanka way ka jirtay oo macluul daran ayaa jirtay, maalin
maalmaha ka mid ah ayaa waxaa neef qashay reer huryo iyo kabacalaf
ay deris aad isugu dhow ahaayeen,
kabacalaf iyo huryo yididiilo iyo damac ayaa galay, niyadana
way ka faraxsanaayeen waxayna rajaynayeen in neefkaas wax
uun looga soo hadiyeyn doono, hase yeeshee reerkii intay neefkii
oddkac ka dhigteen oo ay qumbo ku shubteen ayey shibtooda
galeen, arrintaa kabacalaf iyo huryo aad bay uga xuaamdeen.,
waxayna ku tashadeen in ay si xeelad ah uga xadfaan Hilibkaas
ay keydsadeen reerka, iyaga oo aan la dareemin wuxuuna ku
yiri kabacalaf Huryo intaan iska dhigo wax ku dilaya
ayaan been been labo ulood kugu dhufanayaaye intaad is oohiso
iga carar oo reerka gurogooda gal oo noo soo shub hilibka
iyo subagga, sidii ay ku heshiiyeen ayuu yeelay iyagoo is
cayrsanaya ayey reerkii deriska isla galeen, waxayna reerkii
deriska ahaa bilaabeen in ay kala celiyaan iyagoo qab-qabanaya
kabacalaf, ugu dambeyntiina huryo waxay gashay gurigii reerka,
waxayna bujisay Qumbihii subagga ahaa markay is tiri shubo
waxay ogaatay In uu xarkagay oo uu fadhiyo arrintaas aad bay
uga xuaamtay reerkuna dareemin waxayna tiri iyadoo is oohineysa
cod-cod ina ciidoole casiiskaan ku dhaartaye car bal gacantaada
ii celi, haddii aad carrab iyo labo daan oo dambe isu celiso,
kabacalaf oo fahmay u jeedada huryo ayaa isagana uga jawaabay
iyagoon deriskiina garan dulucda, wuxuuna ku yiri rux rux
ina reexaan rudo Rabigaan ku dhaartaye hadii aadan rabshada
iga deyn haddaan rubadda kaa goyn, reerkiina waxay leeyihiin
waryaa kabacalaf sheydaanka iska naar oo is deji, huryana
intay sidii kabacalf u sheegay yeeshay ayey soo shubatay Hilibkii
iyo subagii oo isdhexguuraya sidaa ayey muraadkoodii ku qunsadeen
iyagoon la dareemin.
Qeytbtii 8-aad
halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622