SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomali-land oo La Kala Safatay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Ceel-afweyne

 

Ciidamada Soomaali-land ayaa la kala Saftay Maleeshiyaadka Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Ceel-Afweyn iyo Tuulooyin Hoos yimaada oo ka tirsan Gobalka Sanaag Ayagoo Rasaas iyo Hubka kale si qarsoodi ah ugu qeybiyey.


Ciidamada ayaa waxaa amray in ay ka Howlgalaan Dagmada Ceel-Afweyn Madaxweynaha Soomaaliland oo Sheegay in loo Xili Saaray inay kala dhexgalaan Maleeshiyaadka hubaysan ku dagaalamaya Dagamadaasi Tuulooyinka ku xeeran ee Gobalka Sanaag Balse Warar ayaa Xaqiijinaya in Ciidamada Soomaaliland ay waji kale u yeeleen Howlgalka Ceel-afweyn Islamarkaana ay u kala Jabeen Labo garab ayagoo kala Tageeraya Maleeshiyaad dirirtu u dhexayso.

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka mid Waxgarada Gobalada Waqooyi gaar ahaan Gobalka Sanaag oo la Hadlay Simba ayaa Sheegay in Xukumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Siyaasadaysay dagaal Beeleedka Gobalka Sanaag ayna dagaalka ka qeybgaleen Ciidamada Daraawiishta Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Ceel-Afweyn iyo Tuulada Darar-weyne EE Gobalka Sanaag.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®