SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Cape Town Koonfur Afrika

 

Kooxo burcad Koonfur afrikaan ah ayaa Xaafadda Easterville ee Magaalada Cape Town ee dalkaas waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ala Ha u Naxariistee Mustaf Dheere.


Muwaadinkaan ayaa lagu toogtay goob ay Xaflad Aroos ka socotay sida goob-joogayaal ay u sheegeen warbaahinta,waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka fuliyay.

Waxaa la xaqiijiyay in Marxuumka isagoo ku dhex jira gaarigiisa oo yaalay iridda hore ee goobta ay Xafladdu ka dhacaysay ay rag hubaysan oo midab ama Kalar South African ah ay Xabad wajiga kaga dhufteen, kadibna ay goobta ka baxsadeen, iyadoo ilaa iyo iminka la ogeen sababta ka dambaysa dilka Muwaadinka Soomaliyeed.

Marxuumka oo si deg deg ah loola cararay dhaawiciisa, ayaa geeriyooday intii loosii waday Isbitaalka sida ay ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Xaafadda Easterville ee Magaalada Cape Town ee dalka koonfur Afrika.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya dalkaas ayaa ku waramaya in Muwaadin Soomaliyeed uu toogasho ku dilay nin watay dharka Police-ka lagu yaqaano oo doonayay in uu dhaco goobtiisa Ganacsi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®