Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa Si kulul uga
hadlay dad rayid ah oo Ciidamada Maraykanka ee Saldhiga
ku leh Gaalkacyo iyo kuwa Puntland ay ka Afduubteen Koonfurta
magaaladaas oo uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug kuwaasi oo
aan la Aqoon halka la geeyey ilaa hada.
Ciidamo isku jira Maraykan iyo Ciidan PSF ee Maamul Gobaleed
ka Puntland ayaa 24-saac ee la soo dhaafay waxa ka qafaasheen
Xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo waxaan la sheegay loo qaaday
Dhanka Garoonka Diyaarahada Gaalkacyo halkaasi oo ah Saldhiga
Ciidanka Maraykan ee Gobalka Mudug sida ay Sheegeen Mas’uuliyiinta
Maamulka Dagmadaasi ee Galmudug.
Xildhibaan C/wali Faarax Cawaale oo ka mid ah Xildhibaanada
Golaha Deegaanka ee Dagmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug
ayaa Sheegay Ciidamada Dowladda ay Afduubteen Dad Rayid
ah oo ay ku jiraan Macalin,Ganacsato caanka ah Gobalka mudug
iyo Dhalinyaro kuwaasi oo Xusay Guryahooda laga baxay ilaa
iyo hadana aan la Ogayn meel la geeyey.
Xildhibaan C/wali ayaa Ciidamada Maraykanka ku eedeeyey
inay wali Gaalkacyo ka Wadaan Falalka Dhan ah Bulshada Galmudug
islamarkaan ay Abuureen Qal-qal iyo Cabsi xoogan oo soo
wajahay Dadka Rayidka Maadaama ay Ciidamada Puntland ganac
ku siinayaan Howlgalka Gaalkacyo oo aan ujeedkiisa loo nsheegin
Maamulka Gobalka Mudug.
Ganacsada la Sheegay in Afduubteen Ciidamada Puntland PSF
iyo kuwa Maraykan ayaa waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Xuseen
Tahliil oo 17/11/2012 ay Xukun Dil ay ku Riday Maxkmadda
Ciidamada Sida ee Puntland Xiligaas oo lagu eedeyey in uu
Xiriir la leeyahay Al-shabaab Balse Laba Sano ka dib laga
Siidaayey ka dib Markii Maxkamadda ay sheegtay in lagu waayey
Wax Danbi ah.
HOME