SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Magaca Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo La Doonayo in la Badalo

 

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe ku aadan in gabi ahaanba la badalo Magaca Hir-shabeelle oo loo bixiyay Maamulkaas ka hor doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar sanadkii aynu soo dhaafnay.


Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Osoble ayaa sheegay in magaca Hir-shabeelle uu yahay wax la bixiyay islamarkaana la badali karo hadii loo baahdo.

“Magaca Hir-shabeelle waa magac oo kaliyah waana la badali karaa, waxaad arkaysaa gabar la oran jirey isniino oo leylo baxsanaysa, run ahaantii magaca Hir-shabeelle macno weyn ma sameenayo, waxaad eegtaan maamulada kale ee dalka ka jira magacyadda loo bixiyay sida Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya,waxaa noo furan in aan iska badalno magaca Hir-shabeelle, aan baxsano magacyo qiimo badan sida ay sameeyeen oo kale Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya, oo aan ka tagno Magaca Hiiraan iyo Shabeelle, oo la isku yiraahdo Hir-shabeelle,”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cali C/laahi osoble.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cali C/laahi osoble ayaa sheegay In go’aanka Magac ka badalka Hir-shabeelle loo gudbin doono Baarlamaanka Hir-shabeelle si ay u meel mariyaan badalka magaca.

Maamulka Hir-shabeelle oo lagu dhisay Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulkaas, ayaa magaca bixintiisa qilaaf dheer iyo isjiid waxaa lagu guuleystay in loo bixiyo Hir-shabeelle, oo macno ahaan ah Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®