SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowladda Kenya oo Fureysa Xadka ay La Wadaagto Somaliya.

 

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta, oo Taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay dhawaan furi doonto xadka ay lawadaagan Somalia.


Madaxweyne Kenyata ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay faadido weyn ugu jirto in la furo xadka ay lawadaagan Somalia, wuxuuna sidoo kale sheegay in la geyn doono goobahaas Ciidamo badan oo kenyaati ah si ay kaga hortagaan weerarada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya Kenyatta waxa uu Shacabka ku nool magaalada Mandera ugu baaqay in ay arintaasi kala shaqeeyaan dowladda, isla markaana soo gudbiyaan haddii ay arkaan Shabaab xadka kasoo gudbaya.

”Waxaan doonaynaa in aan furmo xadka aan la wadaagno Soomaaliya oo hadda xiran intiisa badantaasoo dhaqaalaha iyo ganacsiga degaankaan kor u qaadikarta”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya tan iyo markii Ciidamada Kenya ay kamid noqdeen howglka Midowga afrika AMISOM ee Soomaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®