SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qarax Ka Dhacay Degmada Buulo burte ee Gobalka Hiiraan.

 

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu beegsaday Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.

Qaraxan waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago,waxa uu qaraxa sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Buulo-burde ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili Ciidamada Jabuuti gaar ahaan kuwa Miino baarista ay howlo shaqo ay ka wadeen hareeraha garoonka diyaaradaha degmadaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Saddex askari oo Jabuutiyaan miino baarayaal ah tiro kale oo askar ahne weey ku dhaawacmeen.

Dhanka kala dagaalyahnada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxa miino, waxayna sheegeen in qaraxaan lagu dilay 3-sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidamada jabuuti ee ku sugan degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®