Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaliya Khadiijo Max’ed Diiriye oo la
hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM dhawaan
laga rari doono Garoonka kubada Cagta Stadium Muqdisho oo
fariisin ay ka sameyteen muddo ka hor.
Wasiir Khadiijo Max’ed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradeeda
ay meel fiican u marayso qorshaha ku aadan in Ciidamada
AMISOM laga raro Garoonka Kubada Cagta ee Stadium, kaasi
oo haatan Saldhig malatari ay ka sameysteen Ciidamada Midowga
Afrika AMISOM,waxayna sidoo kale sheegtay in Dowladda ay
diyaarisay habkii loo sugi lahaa amaanka goobtaas hadii
laga saaro Ciidamada.
“Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaliya waxaa meel fiican u maraya qorshaha
Ciidamada AMISOM loogu rarayo Garoonka Stadium Muqdisho,
runtii waa Garoon u muhiim ah shaqada Wasaaradda Ciyaarayaha,
dib u dhis ayaa lagu sameyn doonaa, sidoo kale Ciidamada
boolis ah ayaa la geyn doonaan kuwaasi oo sugaya amaanka
Garoonka”, ayay tiri Wasiir Khadiijo Max’ed
Diiriye.
Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho ayaa waxaa Saldhig
ku yeeshay Ciidamada AMISOM tan iyo markii ay dagaalada
ka dhaceen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,waxaana
halkaas ka muuqdo burbur aad u xoogan.
HOME