SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waxgarad:-“Galmudug Lacagtii Abaaraha ayay u Adeegsatay Dagaal

 

Madaxda Maamulka Galmud ayaa lagu eedeeyey Lacago ay Bixisay Dowladda Soomaaliya oo lagu Tala galay Dadka Abaartu ay ku dhufatay Deegaanada Gobalada Dhexe in ay ku Iibiyeen Rasaasta iyo Hubka ay ku Dagaalamayaan Maleeshiyaad Deegaankaas kula dagaalaya maamulka Ahlusuna Waljameeca.


Mahad Xaashi Faarax oo ka mid ah Waxgaradka Gobalka Galgaduud oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay Maamulka Galmudug lacagihii Gurmadka Abaaraha ay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya in ay ku bixiyeen Abaabulka Dagaalka dhowr Maalin socday kaasi oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay.

Dhanka kale Wararka naga gaaraya degmada Cadaado e Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Kulan deg deg ah ay yeesheen madaxda Maamulkaas,islamarkaana ay ka hadleen dagaalka shalay dib ugu qarxay deegaanka Xiraale ee waqooyiga gobolka Galguduud ee bertamaha dhulka Soomaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®