SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Howlgallo ka socda Xarunta Maamulka Puntland ee Garowe

 


Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Garowe.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaaladaasi.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Garowe.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Magaalada ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay in ciidamada Ammaanka ay sii waddayaan howlgallada inta loo soo qabqabanaayo kuwa lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®