SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/07/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Rex Tillerson

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu kala hadlay dagaalka lagula jiro.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mr Tillerson uu u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in Maraykanku diyaar la yahay inuu Soomaaliya kala shaqeeyo cirib-tirka argagaxisada.

Waxaa kale oo war saxaafadeedka lagu sheegay in Rex Tillerson uu sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayso.


War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu yidhi in “Ahmiyadda ugu weyn ee ay dawladdu leedahay ay tahay sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaha ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Farmaajo aya aintaas ku daray inay dawladdu dardar gelinayso dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaan lagu sheegin goorta ay madaxweynaha iyo xighaye Tillerson ku wada hadleen khadka teleofoonka, hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya inay dhacday shalay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®