SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka taagan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

 

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa ka taagan degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).

Dagaalyahano badan oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen degaano iyo tuulooyin ka tirsan degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed in ay weli wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kuwaasi oo lagula dagaalamayo Shabaab.


Sidoo kale Maxamed Macalin Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool wuxuu sheegay ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan degaanada ay ka maamulaan gobolka Bakool.

Dhanka kale Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo Shabaab ka baxay 2013-kii, dhowaana Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada ayaa ku nool dhulka miyiga ah ee degaanka Abal oo ku yaalla duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasi oo Shabaabka ay ku hareereysan yihiin, si ay nolosha ugu soo qabtaan Wadaadkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®