Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa waxa
uu sheegay Maxaabiista laga sii daayay xabsiyada Itoobiya
ay hada ku sugan yihiin magaalada Jigjiga, lana qorsheynayo
in dalka la keeno.
Waxa uu sheegay isaga iyo safiir ku xigeenka Somaaliya
u fadhiya Itoobiya in ay tagi doonaan magaalada Jigjiga,
si ay ula socdaan xaalada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga
sii daayay Itoobiya.
Sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay Maxaabiista qaarkood
in loo heysto dambiyo la xiriira in ay si sharci daro ah
ku galeen Itoobiya, kuwo sharciga uu ka dhacay iyo kuwo
loo heysto falal ami daro.
Sii deynta Maxaabiistan ayaa waxaa ka shaqeeyay Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul
Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.
Maxabiista ay hada sii deysay Dowladda Itoobiya ayaa waxa
ay gaaayaan ilaa 120, kadib heshiis dhexmaray Madaxda ugu
sareysa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda waxa ay qorsheyneysaa
in ay Diyaarado gaar ah u dirto Dhalinyarada Soomaaliyeed
ee ay sii deysay Itoobiya, si loogu soo celiyo Soomaaliya.
HOME