SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kheyre oo Seychelles iyo Mauritius oo Kala Hadlay Maxaabista Soomaliyeed

 

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa kulamo la qaatamadaxweyne kuxigeenka Seychelles Vincent Meriton iyo raisul wasaaraha Mauritius Pravin Jugnauth, isagoona kala hadlay xaalada tiro maxaabiis ah oo ku xiran dalalkaasi.


Kulanka Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxda Seychelles iyo Mauritius ayaa diirada lagu saaray arrimaha Maxaabista Soomaliyeed iyo sidii loogu soo wareejin lahaa gacanta Dowladda Soomaliya.

Seychelles iyo Mauritius oo dhaca badweynta Indian Ocean ee qaarada Afrika ayaa waxaa ku xiran maxaabiisSoomaaliyeed oo intooda badan ay ku jiraan xabsiyada Seychelles, kuwaasi oo loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay aqbaleen madaxda wadamada uu la kulmay codsiga ay u gudbiyeen isla markaana wadankooda kula laaban doona iyadoo lagu balamay in wafdi dhinacyadaasi ah is arkaan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®