Qeybtii 11-aad
WARAABOW SIDEE LAGUU RARAA?
Waxaa la yiri beribaa nin door ahaa oo caqli badnaa, ase
wiilkiisa ku hubay nacasnimo ayaa isagoo oo hilib meel madal
weyn ah ku qeybinaya ayaa waxaa goobtii yimid wiilkiisii doqonka
ahaa dabadeed ayuu doaygii hilibka qaybinayey waxa uu damcay
in uu si xeelad ku jirto wiilkiisa ugu cad gooyo iyada oo
aanay dareemin raga kale ee raqada dul jooga, dabadeedna cad
shilis ah oo aan loo quureen ayuu carada ugu tuuray isaga
oo nacabkiisa yasis u muujinaya, si aan loo dareemin in uu
wiilkiisa siinayo cad wanaagsan, wuxuuna ku yiri waxbayahaw
cadkaas qaado,
damanihii lama garan abihiis sarbeebta ee af labadii ayuu
qeyliyey
isaga oo leh sideen yeelayaa cadkaan carada lagu tuuray, rag
awalba cadka quuri la’aa oo indhaha ku hayey ayaa markiiba
qaatay, odaygii waxa uu ku ctaabay isaga oo ka xun sida uu
xeelada wiilkiisa ula garan waayey ilaan doqoni calaf maleh,
soomaaliduna waxay tiraahdaa oo ay ku maah-maahdaa doqon sadex
sababoodba ha ula degin,
1. Dooc (Aftahanimo) kaama kaabto,
2. Dagaal wax kuuma tarto. 3- Dabna kuuma shido.
ISLAAN DAYRO BADAN IYO TUUG.
Waxaa la yiri beri baa islaan waayeel ah oo dayro badan ayaa
waxa habeen u soo dhacay tuug. Oo wixii uu heli karay ee guriga
yaalay horay gacanta ugu sii qabsaday, islaantii markay aragtay
tuugii oo sii baxaya ayey qeylo afka furatay, dadkii deriska
ahaa ayaa jug ku soo yiri, oo aqalkeedii isugu soo uruuray,
markii ay weydiiyeen waxa ku dhacayna waxay tiri islaantii
tuug ayaa ii soo dhacay oo toban koombo oo aan badar ka heystay
ayuu labaatan koombo ka miistay, dadkii meesha isugu yimid
ayaa ka yaxyaxay dayrada badan ee habarta, waxayna is yiraahdeen
sidee baa toban koombo looga misaan karaa labaatan koombo?!
NIN CAANO IIBIYA
Waxaa la yiri beri baa nin wuxuu dhaqan iyo caado ka dhigtay
in marka uu caano suuqa u soo qaadayo in uu ku soo daro xig
biyo ah si caanuhu u bataan, maalim maalmaha ka mid ah, isaga
oo fadhiya suuqii oo caanihii gadaya ayaa waxaa uu timid islaan
caano doon ah, waxayna ninkii ku tiri adeer fur bal caanaha
saafi ma yihiin? Caanaha biyaha lagu soo darana waxaa caado
u ah markay xoogaa yaalaan in ay kala fariistaan, oo biyuhu
soo kor maraan, si uu taas uga qariyo odaygu islaanta ayaa
waxaa uu ku fekeray in uu khiyaameeyo islaanta si aanay u
dareemin, wuxuuna u bilaabay sheeko oo waxaa uu ku yiri maandhay
caanahan waa saafi waana kuwo lagu soo dhibtooday oo xitaa
caruurtii laga soo af qabtay, wiil aan dhalay ayaa waxa uu
yiri saaka markaan soo qaadayey aabe caanaha I kabisii, markaasaan
ku iri orod waryaa hooyadaa caano u doono kuwaan suuqa ayaa
loo wadaaye, markaan iska kari waayay ayaa intaan haantii
horay iyo dabo qabtay ku iri Ilaahow yaa sanka kaga dhufta,
(shugux shugux,) waryaa soo kuma dhihin hooyadaa caano u doono,
markaasuu intuu furay haantii islaantii ku yiri adeer iska
fiiri caanaha waa sidii loo soo lisaye oo wax ceeb ah maleh.
FAQIIR IYO TANAAD
Bari baa nin iska socda wuxuu uyimid nin jidka dhexdiisa
jilba jabsan oo beerkana heysta aad buu unaxey markii uu arkey
wuuna usoo dhawaadey wuxuuna kuyiri isagoo yaaban maxaa kugu
dhacey wuxuu ugu jawaabey beerka ayeey gaajo iga heysaa,sadex
barina wax macunin,ninkii ayaa intuu kanaxey wuxuu kuyiri
ninyahow anigu hada waxba mahayee nin saaxiibkey ah ayaan
wax kaaga doonayaa ee isii sug .ninkii safarka ahaa wuu tagey
wuxuuna gaarey ninkii saaxiibkii ahaa ,si uu ninkii gaajadu
heysey wax uu cuno uga soo qaado nasiib daro wuxuu utagey
ninkii hodanka ahaa oo isaganajilbaha dhulka uyaalaan oo caloosha
heysta ninkii yaab iyo tacajab ayaa ilaahey u keenay intuu
usoo dhawaadey saaxiibkiis ayuu isagoo naxsan kuyiri war adigana
maxaa kugu dhacey ? wuxuu kuyiri ninkii caloosha heystey xaley
baan cuntadii iska badiyoo calooshey iga qabatey !!ninkii
yaab iyo amakaag ayaa ilaahey ukeenay wuxuuna ku yiri hadii
cuntada aad iska badisey ee caloosha kaa qabatey aad wax kasiin
laheyd ninkii aan soo arkaye ee caloosha gajadu kaqabatey
labadiinuba caloosha idinma xanunteen !! ,
Qeytbtii 10-aad
halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622