Wax sahlan ma ahan in la waayo nabad iyo kala danbeyn la,aan
Amni daro Xasiloon daro Collaad aan heshiis laheyn, waxaana
maraynaa sanadkii 20 aad oo aan dhihi karo wiilkii la dhalay
dagaalkii USCda ayaa hada wiil loo dhalay.
Qoraalo badan,iyo Riwaayado heeso kala duwan oo ka hadlaya
nabad la,aanta Dalkeena ku habsatay ayaa Abwaano fara badan
ka sameeyeen balse illaa hadana aan jirin wax ifafaalo ama
raad nabadeed oo noosoo muuqata.
Waxaa nasiib daro ah anagoo haysano wadan wax soo saar beri
iyo bad ba’leh hanan weynay, kuna heshii la’nahay
weliba kuwiiyoo isu Af isku Diin ah, Alla maxaa Nalaga faaideystay.
Aad ayaan uga Xumahay runti mar hadii aan marayno sanadkii
20 aad oo ay xaalada ka sii darayso hada waaba meeshii uga
darneyd oo waxaad arkeysaa Culimo Qur’aanka iyo Axaadiista
kuu daliilinayo oo is dillaya,oo aan kala ganbaneynin oo dhiig
iska daadinaya …… intaas aan uga gudbo.
Mar ayaaba waxaad is leedahay dadka isku haysta Siyaasada
Soomaaliya maba u dhalan wadankan oo meelo kale ayey ka yimaadeen
ka damqasha la,aanta dadkooda iyo dalkooda Awgeed,
Shacabku waa kuwa uga daran oo wax yeelada ka soo gaarta
marka dirirta ka dhacdo dalkeena waayo iyaga ayaa dhiig ka
daataa oo madaafiic hawaaw ah ku habsadaan kuwa aan waxba
galabsan.
Maalmahan waxaa aad usii badanaya dhibaatada shacabka soo
gaaraysa dhibaatada runtii aniga mar mar ayaan iska Ilmeeyaa
oo si aad ah u murgooda,kawaran hadii aan ku dhaho Muqdisho
maanta waxaa ka furan hal wado oo dadku magaalada aadaya ay
maraan oo wadooyinkii oo dhan waa xiran yihiin oo waxaa ka
soo wada baxay Geed Yahuud Ama {CALI GAROOB} oo sanadahan
danbe fara ba,an ku haya Somalida waa Geed si sahlan ku baxa
oo aad u Odxa badan oo fididiisa Bilooyin yar ah, kaas ayaa
Wadooyinkii Quruxda badnaa ka wada baxay.
Wadada furan ayaa ah mida Dabka keliya iyadiina ma sahlana
marideeda oo waxaa wada is ticmaala dhamaan Baabuurta Blka,kuwa
Xamuulka qaada oo Dekeda ka shaqeeya oo runtii si aad ah Ciriiri
u noqotay wayadan danbe maadaama ay marin u noqotay dhamaan
shacabkii oo dhan,hada laakiin iyadiina waa la xiray oo waxaa
wado ah xaafadaha dhexdooda sida xaafadaha Degmada Hodan kuwaas
oo iyaga xitaa aad u Go’go’an Roobabka ayaa jar
jaray Geed yahuudkana aad ayuu uga baxay.
Hadaba sidee u maleynaysaa Wadan dhan oo wadooyinkii la isku
mari lahaa wada xiran?, Wadooyinka xiran waxaa ka mida ah
Wadadii sodanka oo magaalada dhan ku kala socotay, waxaa kaloo
xiran isgoysyadii waa weynaa Tarbuunka,wadada wadnaha kii
Siinaay oo hada Dagaaladii uga danbeeyay ku xirmay.
Hadaba ka waran Sidee dareemaysaa hadii aad mawaadin dhab
ah tahay waxaaba kaaga sii daran in aadan ka had hadli Karin
dhibaatooyinka ka jira wadankeena oo aad qof tilmaaman noqoneyso
hadii aad sheeg sheegto arimahan oo dhan, iska dhaaf tani
waxaan arkay Qashin aad u soo Qurmay oo yaaala meel wado ah
oo xaafadaha Magaalada Muqdisho ka mid ah markii aan u kuurgalay
sababta loo fiirsanayo oo loo qaadi la,yahayna waxaa la igu
yiri dad ayuu meesha u yaalaa oo iyaga in ay qaadaan ma ahee
qof kale ma qaadi karo,
Dhibka intan kuma koobna oo waxaa la yiri Aduunyo waa Sheeko
Iyo Shaahid, waxaa kaloo iga yaabisay oo aan sina u ilaabi
doonin dhacdo xusuusta maskaxdayda kusoo maaxata markasta,
Oday Xaafadeena ayaa dhintay Qabrigiisa waxaa laga Qoday (13)
Ex qabuurihii Macalin Nuur oo illaa hada dadka lagu Aaso,
waxana qabsatay anagoo Maydkii wadno in wadadii la xiray
waa wadada Ex control ayna xireen Ciidamada AMSOM ee Brundiga
oo Habeenki maalintaas ka horeysay la weeraray, Layaab Meydkii
qabrigiisa waa Qodan yahay meeshii waa xiran tahay arintu
ayaa aad u cakirantay waxaan taagneyn uga yaraan [4] Afar
saac waxaana isugu jirnay dad badan oo shaqadii ka baaqatay
oo xayirmay.
Rajo ka qabida in la helo nabad ma soo muuqato waxaadna arkeysaa
in markasto oo la fariisto oo la wada hadlo in koox Cusub
soo baxayso oo laga hor imanayo madaxweynihii la doorto (SOOMAALIYEY
MAS’UUL IYO MUDANIHII LA DOORTABA MAYA HADAAD TIRAAHDAAN
DALKA MAAMULKIISA MA MALAAIG SOCOTAA MADAX LOOGA DHIGAYAA?)
Abwaan Sangub waxa uu Alifay Riwaayadi aheyd XUUD BAA LIKHAY
JACEYLKi, balse hada aniga waxaan u badalayaa XUUD BAA LIKHAY
NABADI,oo aan jeclahay in dhowaan ka sameeyo riwaayad ka turjumeysa
arimahan.
Waayo
ma jirto wax rajo ah oo helitaan nabad ah oo noo muuqda mana
uma maleynayo in dalkaan ka baxayo dhibaatada illaa la hakiyo
ganacsiga xorta ah oo aan jirin cid ka naxeyso umadan oo qofkasta
eeganayo danihiisa gaarka ah.
By Asad Abukar Cali (Asad Yare)
E-mail. asadyarencc@hotmail.com