SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddoomiye Beyle oo ka hadlay Musuqa Doorashada

 

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan Doorashada in ay ku dhacdo nidaam hufnaan iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.

Waxa uu sheegay in laga feejignaanayo musuq maasuq iyo wax is daba marin ka dhaca codadka ay dhiibanayaan xubnaha Golaha shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay aad uga taxadirayaan Guddigooda in Doorashada ay musuq ka dhacdo, wuxuuna tilmaamay heerkii ugu sareeyay ee Cadaalada ay Doorasho Dalka kaga dhacdo in ay ku saleyn doonaan.

Arrinta ugu weyn ee iminka la hadal haayo ayaa waxa ay tahay Doorashada Madaxweynaha Dalka oo dhaceysa 8-da Febraayo ee soo socota oo ay naga xigaan Todobaad iyo maalin keliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®