SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mid kamid ah Ciidanka Illaalada u ah Madaxweynaha Puntland oo dhintay

 

Mid kamid ah ciidanka ilaalada madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay kadib markii ay ka faniineen mid kamid ah gaadiidka ciidanka madaxtooyada.

Falkaan oo dhacay galabta casirkii, ayaa ahayd xilli madaxweyne Gaas iyo wafdigiisu ay kusoo jeedeen magaalada Qardho, iyagoo markaas ka yimid degmada Bandar-bayla oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa.

Askariga dhintay oo aysan noo suurto galin inaan helno magaciisa ayaa lagu aasay tuulada Dhumay ee u dhexeysa Qardho iyo Bandar-bayla, halka midka dhaawacmayna loolasoo cararay Qardho.

Waa markii labaad oo safar madaxweyne Gaas ku tago dhulka ka baxsan laamiga ah askartiisa dhimasho soo gaarto sanadkii 2014 ayay ahayd markii madaxweyne Gaas oo sidaan oo kale isagoo safar ku marayay gobolada Puntland uu mid kamid ah askarta ilaaladiisa ah dilay askari kale.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®