SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dhalinyaradii kufsiga ka geysatey Galdogob ee Shalay lagu Xukumay oo Garowe loo wareejiay

 

Guddoomiyaha Degmada Galdagob ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Faarx Ayaxle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dhalinyaradii Kufsiga geysatay ee Shalay lagu Xukumay Magaalada Galdogob loo wareejiyay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Xasan Maxamed Faarx Ayaxle ayaa Tilmaamay in Sababta Dhalinyarada la Xukumay loogu wareejiyay Xabsiga Magalaada Garowe ay tahay Amar ka yimid Madaxda Sare ee Puntland islamarkaana ay Xukun kooda ku soo qaadan doonaan Magaalada Garowe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sababta loogu Wareejiyay Magaalada Garowe Dhalinyaradaan loogana waday Magaalada Galdogob ay tahay Cabsi laga qabo in laga siidaayo Xabsiga Galdogob sidaana loogu wareejiyay Garowe.

Shalay ayey aheyd markii 6 Wiil oo Kufsi ka geystay Gobolka Mudug lagu Xukumay Magaalada Galdogob,hase yeeshee uu halkaas ka maqnaa mid kamid ah Dhalinyaradii Xukunka lagu riday.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®