SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaanadii Xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed oo la Kulmay Beesha Caalamka

 

Qaar kamid ah Xildhibaanadii dhawaan Xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka waxaana ay ka hadleen Arrimo dhowr ah oo la xariira Xaaladda ka jirta Galmudug.

Xildhibaanada soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Hogaaminaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cabdi Xareed,waxaana Warar aan helnay ay sheegayaan Kulanka Labada dhinac in uu ku soo dhamaaday is Afgarad.

Sidoo kale Kulanka Xildhibaanada Galmudug iyo Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay uga wada hadleen in la kala duwo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo tan Dowladda Dhexe oo Isku Xilli ahaa,waxaana Beesha Caalamka ay ka Codsatay Xildhibaanada Galmudug in ay dib u dhigaan Doorashada Galmudug,iyadoo Wararku ay sheegayaan in Xildhibaanadu ay Aqbaleen.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Galmudug ayaa horay u sheegay in 8 Bisha soo socota ay qabanayaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®