SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal ka dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose

 

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu Xalay ka dhacay Magaalada.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay Magaalada ku soo qaadeen Weerar Hoobiyaal ah iyo mid toos ah.

Ciidmada AMISOM ayaa sidoo kale ku Jawaabay Madaafiicda ay soo rideen Al-shabaab ,waxaana la soo sheegayaa in Dad Rayid ah ay ku dhinteen Madaafii ku dhacday Gudaha Magaalada.

Dad ku sugan Magaalada Qoryooley ayaa Warbaahinta u sheegay in Mid kamid ah Madaafiicda ay dhinacyada Dagaalamay isku ridayeen uu ku Habsaday Masaajid ku yaalla Qoryooley,waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dadkii halkaas ku jiray.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®