SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah-faahin Ganacsade Xalay lagu dilay Magaalada Baledweyne

 

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay ku toogtay Magaalada Beledweyne alle ha u naxariisteen Muumin Cabdulle Daqar [Muumin Dheere ] oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Magaalada Beledweyne.

Rag dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa sida dad goob joogayaal ah sheegeen toogtay marxuumka xili uu ku sugnaa Maqaayad lagu magacaabo Goodir oo kutaala Waaxda Cilmi loos oo katirsan Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamada amaanka Magaalada Baladweyne ayaa dilka kadib soo gaaray xaafada Kooshin gaar ahaan halka uu dilku ka dhacay, waxaa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo, laakiin ma jirto cid ilaa iyo hadda dilka loo qabtay.

Ugu danbeyntii, lama oga sababaha dilka ganacsadahan oo siweyn looga garanayo guud ahaanba gobolka Hiiraan, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilkiisa.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®