SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Golaha Amaanka oo warbixin laga siiyay Xaalada Dalka Soomaaliya

 


Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, ayaa Xaalada Soomaaliya waxuu warbixin kooban ka siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire Keating ayaa waxuu u sheegay Golaha Amaanka in Doorashooyinka Soomaaliya haatan ay meel wanaagsan marayaan, dhawaanna la filayo in la soo daarto Madaxweyne cusub.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjiraha sidoo kale waxuu shaaca ka qaaday in Baarlamaanka cusub ay u badan yihiin dhalinyaro, kuwaasi oo looga fadhiyo ka shaqeynta horumarka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa marka uu ka hadlayay doorashooyinka Xildhibaanada waxuu soo hadal qaaday in badankood ay ahaayeen kuwa hareeyay musuq maasuq, handaad laaluush bixin iyo afduubka ergada codka dhiibaneysa.

Sikastaba, hadalka Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa waxuu imaanayaa xili 8 bisha soo socoto lagu madalsan yahay qabashada doorashada Madaxtinimo ee Dalka.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®