SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xasan Sheekh iyo Faroole oo ku kulmay magalada Muqdisho

 

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan mudanayaasha Aqalka Sare ahna Musharax Madaxweyne .

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arimaha doorashooyinka , madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay inuu uga mahadcelinaayo madaxweynihi hore ee Puntland kaalintii uu ku lahaa in laga gudbo KMG taas oo uu sheegay inuu kaalin muuqata ka soo qaatay.

Faroole oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii dhaliilaha la iska sheegi jiray haddana loo diyaar garoobaayo Doorashada, waxa una uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh wax qabadkiisii 4-sano ee la soo dhaafay oo uu talada hayey.

Mudane Faroole oo ah musharax madaxweyne ayaa ololihiisa ka wada Muqdisho maadaama Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 8-Febaraayo 2017.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®