SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Afhayeenka Howlgalada Al-shabaab oo sheegay in saakey 57 Askar oo Kenyaan ah ay ku dileen Weerarkii Kulbiyoow

 

Al-shabaab Oo Qabsatay Saldhigii Ciidamada Kenya Ee Kulbiyow Iyo Askar Keynaan Ah Oo Lagu Laayay


Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku qabsadeen xeradii ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayeen Degaanka Kulbiyow, degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

Weerarka oo aroortii ku bilowday laba qarax oo ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal socday ku dhowaad 2 saacadood oo qasaare balaaran dhaliyay.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Alshabaab ay gebi ahaan la wareegeen xerada Kulbiyow oo ciidamada Kenya ay kula dagaalameen iyadoo xerada lagu laayay askar fara badan oo Kenyaan ah.


Afhayenka Howlgalada Al-shabaab ayaa sheegay inay dileen ugu yaran 57 askari, halka dadka degaanka ay arkeen meydadka 29 milateriga Kenya ka tirsan.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo xerada Kulbiyow ay gubaneyso, waxayna Al-shabaab dab qabadsiiyeen gawaarida ciidamada Kenya ee xerada yaalay iyaagoo kaxeysay qaar kale.


 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®