SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Degmada Jalalaqsi oo Nin Maxbuusa uu ku dhintay Xabsiga Ciidamada AMISOM



Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay 5 Ruux oo Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku xireen Kunteenar yaalla Xarun ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Jalalaqsi, Ibraahin Madoobe Nuuriye ayaa sheegay in Ragga la xiray midkood uu ku dhex dhintay Kunteenarkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in waxba aysan kala socon sababta ka dambeysa xariga Ciidamada Jabuuti ay u geysteen Dhalinyaradaasi.

Mr. Ibraahin Madoobe ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi in uu wax ka ogaa xariga dhalinyaradan ay u geyteen Ciidamada Jabuuti, waxuuna intaas ku daray in uu ku sugnaa Xerada Ciidamada Jabuuti.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo ku aadan eedeyntan la xiriirta in dhalinyaro ay Kunteenar ku xireen midkood uu dhintay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®