SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

C/qaadir Cosoble oo noqday Musharaxii Afraad oo isdiiwaan geliyay”Akhriso Magacyada”

 

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kamid ah Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Doorashada la filayo in ay Dalka ka dhacdo 8-da Bisha February ayaa noqday Musharaxii Afraad ee isdiiwaan geleiya,waxaana uu buuxiyay Sharuudaha laga rabo Shaqsiga Musharaxa ah,iyadoo Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweyne ay siiyeen Shahaadada Musharaxnimo.

Musharaxii ugu horeeyay ee isdiiwaan geliyay waxaa uu ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxaa isdiiwaan geliyay Musharaxiinta kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda uu Waqtigeedu dhamaadka yahay iyo Maxamuud Maxamed Culusow oo asna kamid ah Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay U Tartanka Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ka Tanaasuli doonaan Musharaxiin dhowr ah,waxaana Shalay iskaga haray tartanka Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®