SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Xerada Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow

 


Weerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo waramayaa in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihin Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka uu ku bilaawday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Ciidamada Kenya.

Intaasi kadib, ayaa Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxaa u suuro gashay in ay gudaha galaan, islamarkaana halkaasi ay kula Dagalamaan Ciidamada Dowladda Kenya.

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay in Weerarka oo ahaa mid xoogan uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo la gaarsiiyay Ciidamada Dowlada Kenya.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in Degaanka Kulbiyoow ay la wareegeen Xoogaga Al Shabaab, kadib markii halkaasi looga adkaaday Ciidamada Kenya.

Dhawaan ayee aheyd markii Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo taageero ka helaya Mareykanka ay weerar xoogan kula wareegeen Magaalada Badhaadhe, halkaasi oo goor-dambe ay isaga soo baxeen.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®