SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirkii hore ee Haweenka Somaaliya oo Shariif Xasan ugu baaqday in uu is casilo ka hor inta aan Codka kalsoonida loo qaadin Mooshinka ka dhanka ah.

 

Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay Madaxweynah Maamulkaasi in uu is casilo maadaama sida ay sheegeen wax qabad la’aan ay daashatay Maamulkiisa islamarkaana Xildhibaanno fara badan ay Mooshinka ka gudbiyeen.

Aamina Mursal oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya haatanna ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in Shariif Xasan uu ku fashilmay Howlihii loo igmaday.

Sidoo kale Aamina Mursal ayaa intaas ku dartay in Shariif isagoo wax ka qaban waayay howlihii loo igmaday uu faraha kula jiro arrimo kale oo aan loo dirsan sida ay tiri.

Waxaana ay cod dheer ku sheegtay Siyaasi Aamina Mursal in dhammaan Siyaasiyiinta deegaanada Mamulka Koofur Galbeed ay go’aan buuxa ku gaareen in xilka Madaxweyne laga xayuubiyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu dambeyn ayeyna u jeedisay Madaxweyne Shariif Xasan in ay u wanaagsan tahay in uu isagu is casilo inta aan codka Kalsoonida loo qaadin Mooshinka ka dhanka ah ee looga gudbiyay Golaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®