SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa Baarlamaanka Jaamacadda Carabta

 

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay isku raaceen in la kordhiyo taageerada lasiiyo dowladda Soomaaliya si ay u xaqiijiso ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid Caalami ah oo dowladdo badan ay ka qeyb qaataan.

Mudanayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale sheegay in ay ka xun yihiin Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee degmada Waabari.

Dr. Meshaal Al Salmi Afhayeenka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka Baarlamaanka Jaamacadda carabta ay u tafa xaydan doonaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo celi lahaa Soomaaliya.

Taageerada dagaalka lagula jiro Shabaab ayay sheegeen in ay kordhin doonaan.

Ugu dambeyntii xildhibaanada Baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxaa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin Madaxda dowladda Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®