SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidanka Taraafikada oo soo bandhigay Gaadiidka ugu Shilka Badan Muqdisho

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay shilal badan oo sababay khasaaro aad u fara badan ay ka dhaceen dalka, islamarkaana ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay qabteen shaqooyin aad u faradan.

Taliyaha ayaa sheegay in sanadkii laga soo gudbay Ciidanka Taraafida ay diwaan geliyeen 2084 danbi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shilal kala duwan oo ka dhacay dalka ay ku burbureen 2300 oo Gaari.


83 qof ayuu xusay in ay shil Gaari u dhinteen sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-da , sidoo kale 328 qof ayaa waxaa ay noqdeen dhawaac culus , halka dhaawaca fududna ay noqdeen 470 qof.

Shilalka ugu badan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xusay in ay sababto Mootada loo yaqaano Bajaajta.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®