SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Markab Hub siday oo lagu qabtay Dekedda Magaalada Kismaayo

 

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Hub lagu soo dhex qariyay Markab siday Shixnad Ganacsi oo ku soo xirtay Dekedda Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.

Markabka ayaa la sheegay inuu ka diiwaan geshan yahay Wadanka Koofur Afrika,waxaana la sheegay inuu u Rarnaa Nin Ganacsade ah oo lagu Magacaabo Cabdi Jamaal oo ka soo jeeda Puntland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa Xaqiijiyay in Markabka Hubka lagu soo qariyay ay ka mid yihiin ,Xabadaha Jiim Gacmeedka, Qoriga loo yaqaano Daba-jeexa,Ek-47 iyo Bastoolado badan.

Sidoo kale Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay Baaritaan ku wadaan Halka loo waday Hubka iyo Cidda loo waday intaba.

Dhanka kale Ciidamada Jubbaland ayaa Su’aalo weydiinaya Shaqaalaha Markabka,Su’aalahaas oo la xiriira waxa ay ka og yihiin Hubka,waxaana Jubbaland ay hadda bilaabeen Dejinta Hubkii Saarnaa Markabka la qabtay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®