SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM iyo Ciidanka dowlada oo lugu eedeeyay Weerarkii lagu qaaday Degmada Afgooye


Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa walaac ka muujinaya weerarada Al-Shabaab ay ka fulinayaan degmooyinka gobolkaasi, xili ay maalmo isu dhow ay weeraro qasaaro geystay ka fuliyeen Degmada Afgooye.

Gudoomiye Ku-xigeenka Amaanka ee gobolka Sh/hoose Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in weerarada ku soo noq-noqonaya ee degmada Afgooye ay sabab u tahay talaabooyin aan laga fakerin oo ay qadeen Ciidamada AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya.

Waxa uu shaaciyay in ay Ciidamadaasi ay si kafiirsi la’aan ah uga bexeen fariisimo ay ku lahaayeen Tuulooyinka ku hareereysan degmada Afgooye, kuwaasi oo ay ka mid tahay Tuulada Mareerey oo ay baneeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada.

Al Shabaab ayaa shalay galinkii danbe weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxana la sheegay in ay qabsadeen qeybo kamid ah degmada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al Shabaab ay weerar ku qaadaan Afgooye, laakiin hore ayay dhawr jeer u weerareen waxana ay ku qabsadeen magaalada muddo saacado ah.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®