SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamo Liyuu Boolis ah oo Fariisin Ka Sameystay gobolka Galgaduud



Ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa fariin sameystay qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Laba gaadiidka dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad Deegaanka Itoobiya ayaa soo gaaray qeyb kamid ah degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Jaamac Xayle Maxamuud Gudoomiyaha Degmada Balanbal ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka dagaal ciidamadii la socday ay fariisin ka sameysteen gudaha degmada.

Waxa uu intaa ku daray Gudoomiyaha degmada in maamulka degmadaasi aysan ka warqabin sabata ay ciidamadaasi u yimaadeen.

Dhanka kale, Gudoomiye Jaamac Xayle Maxamuud ayaa tilmaamay in abaaro daran ay ka jiraan deegaano ku dhaw degmada Balanabal, isla markaana aysan jirin gurmad ay heleen dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa dhawr jeer oo hore dhibaatooyin kala duwan ka geystay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®