SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Afgooye

 

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhimatay oo 3 ka mid ah ay yihiin Askarta ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib Dagaal shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degmadaasi.

Sidoo kale dagaalkaasi waxaa ay waxyeelo ba’an ay kasoo gaartay dadka shacabka ah , waxaana ku dhimatay haweenay ka mid aheyd Ganacsatada degmada Afgooye oo lagu magacaabo Xabiibo.

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye.


Waxaa uu sidoo kale sheegay ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saaka degan , waxaana la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®