SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya

 

Koox Hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhigga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dagaal Mudo Kooban soconayay oo la isku Adeegsaday Hubka Culus iyo kan Fudud ayaa dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Kooxda Weerarka qaaday.

Goobjoogeyaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalku uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay,waxaana sidoo kale Goobjoogeyaasha laga soo xigtay in ay Arkeen Meydadka Labo Askari oo Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ayaa Saaka Baaritaano Xooggan ka wada Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

Shabaab waxaa ay dhowr jeer Weerareen Magaalada Mandheera oo ku taalla Xaduuda Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®