SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah faahinta laga helayo Dabkii ka kacay Xalay Suuq-boocle ee Degada Dharkeynley

 

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in Dab uu ka kaco Suuq-boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Sagaalkii Habeenimo oo qadar Daqiiqado la’ ayuu Dabkan kacay, waxaana uu dabka si gaar ah uga kacay qeybaha Makiinadaha Saliida iyo qeybaha Hillibka.

Dabka ayaa ku faafay suuqa weyn ee Boocle, waxaana uu basbeeliyay Hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, maadaam Gaadiidka Dam damiska aysan si dhaqsi leh ku imaan goobta.

Raadadka iyo saameynta uu sameeyay Dabka ayaa saakay ka muuqda suuqa, sida ay sheegeen Dad goobo Ganacsi ku lahaa halkaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada yar yar ee xalay kaga hoyday suuqa iyaga oo Hantidooda ay bad qabto ayaa saakay ku soo laabtay goobohooda Ganacsi oo basbeelay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®