SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hanti Dhowrka guud ee Somalia oo sheegay inysan jiri karin cid ku takri fali karta Hantida Qaranka

 


Hanti dhowraha Guud ee Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in aysan jirin Cid Hantiada kaga faa’iideysan karta xiliga dalka uu ku jiro kala guurka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xafiiskiisa uu ka war hayo Hantida Qaranka iyo hadii ay jiraan Mas’uuliyiin si qaldan u isticmaalay Hantida Qaranka.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan dhageysan dacaayadaha laga faafinayo masuuliyiinta Dowladda isla markaana aysan jiri doonin cid ku takri fali karta Hantida Dowladda.


Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Xafiiskiisa.

Siyaasiyiinta Xil doonka ah ayaa horay Warbaahinta ka sheegay in ay jiraan Mas’uuliyiin Dowladeed oo ku Takri falay islamarkaana si qaldan u isticmaalay sida ay sheegeen Siyaasiyiintaasi Hantida Qaranka.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®