SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hay’adda World Vision oo ka hadashay Abaarta Somalia ka Jirta

 

Hay’adda World Vision oo ka mid ah Hay’adahaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay Abaaraha daran ee ka jira guud Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Dalka.

Warbixin dheer oo ay soo saartay Hay’adda ayaa waxa ay kaga warbixisay Abaarta Soomaaliya, iyadoo warbixinteeda si gaar ah diirada ugu saartay caruurta yar yar ee Abaartu ay saameysay.

World Vision ayaa waxa ay sheegtay in ay dhimasho halis ugu jiraan 5 Million oo Qof, oo u badan caruur, Abaarta darted, loona baahan yahay in wax loo qabto, waxaana ay ka digtay in ay sii fiido Abaartan oo ay gaarto meelo kale oo cusub.


Waxa ay sheegtay Hay’adda xaaladan oo kale in aan la isku fiirsan karin, maadaama ay dhaimaanayaan dad fara badan oo Soomaali ah, Abaaruna ay la mid tahay midii 2011-kii.

Hay’adda World Vision ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay horeyba Soomaaliya in ay uga jireen xaalado nafaqo daro ah, hadana ay ugu darsoontay Abaar daran.

Sidoo kale World Vision ayaa waxa ay sheegtay intii karaankeeda ah in ay wax ka qabaneyso Abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo badbaadiyo dadka kumanaanka ah ee saameysay Abaarta.

Ugu dambeyntii World Vision ayaa Hay’adaha calamiga, wadamada Jaamacadda carabta, Dowladda Federaalka iyo dadka wax heysta ugu baaqday in gar gaar wada jir ah loo sameeyo dadkan dhibaateysan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®