SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Magacyada Maxaabiis ka booday Darbi Xabsi ku yaala gaarisa oo Al-shabaab lala xiriirinayo

 

Maxaabiis lagu hayay xabsiga saldhiga Booliska ee Magaalada Gaarisa ayaa 17-kii Bishan waxa ay ka boodeen Darbiga dambe ee xabsiga, sida ay sheegeen ilaalada xabsiga.

Xilliga Maxaabiistan ay ka boodeysay Darbiga ayaa waxa ay aheyd saq dhexe, oo ay hurdeen ilaalada xabsiga saldhiga Booliska ee Magaalada Gaarisa.

Warbaahinta Gudaha Magaalada Gaarisa ayaa ku warantay Maxaabiista baxsatay tiro ahaan in ay gaarayaan Lix, kuwaas oo ka mid ahaa 20 Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga saldhiga Booliska.


Sidoo kale Warbaahinta Gudaha Magaalada Gaarisa ayaa soo bandhigtay Magacyada Lixda Maxbuus, ee ka fakatay xabsiga, waxaana lagu kala magacaabaa:- 1.Anwar Saciid Maxamed, 2.Aadan Cumar 3.Abdi Muuse 4.Dida Maxamed 5.Suleyman Maxamed iyo 6.Mowliid Maxamed.

Booliska Magaalada Gaarisa ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggan baxsadka ah, oo Da’dooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 15 jir ilaa iyo 21 jir.

Dhalinyaradan ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab, waxaana la soo kala qabtay waqtiyo kala duwan, sida ay sheegeen Booliska.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®