SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Guddoonka Aalka Sare ee Somalia oo maanta ku eg

 

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo diiwaan gelinta iyo Codsi qabashada Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa horay u sheegay in Maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 19-ta Bisha Janaayo la soo gaba gabeynayo diiwaan gelinta iyo Codsi qabashada Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare.

Guddiga ayaa Warbaahinta u sheegay in ay meel wanaagsan mareyso diiwan gelinta Musharaxiinta iyo qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.


Xubnahan loo xil saaray qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka ayaa waxa ay ka kooban yihiin 6 Xubnood, Waxaana shaqada loo igmaday ay tahay keliya qaban qaabada iyo agaasinka Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaao in la dhageysto khudbadaha Musharaxiinta isku soo taagay xilka Guddoonka Aqalka Sare, iyadoo maalinta xigta ee Axada Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ay dhaceyso Doorashada.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®