SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Galmudug oo ka hadashay Dagaal beeleedyada ka dhaca Maamulkooda

 

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Dagaal beeleedyo ka dhacayeen Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Degaanka lagu magacaabo Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Caabud-waaq ayaa maamulka Galmudug waxa ay sheegeen xaalada la xiriirta arrintaas lagu wajahayo xalin Garsoor.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa sheegay in Dagaal beeleedyada ku soo laab laabta Degaanada Galmudug ay ku wajahayaan hanaan Garsoor ah, hab cadaalad ahna loo qaadayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay waxgaradka maleeshiyaadkooda ku dagaalamaya qeybo ka mid ah Galgaduud in ay yimaadaan Magaalada Cadaado, si ay Dacwadahooda uga furtaan Maxkamadda Sare ee Galmudug.


Dhowaan ayaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed warqad ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®