SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Burundi oo lagala hadlayo in Ciidankooda ay sii joogaan Soomaaliya

 


Madaxa Amniga iyo Nabad gelyada Midowga Afrika Smail Chergu ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga Magaalada Bujumbura ee Dalka Buurndi, kadib markii Dowladda Burundi ay dhowaan sheegtay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Smail Chergu ayaa markii uu tagay Magaalada Bujumbura ee Dalka Buurndi waxa uu ubax dhigay Qabriga Major General Juvenal Niyoyunguruza oo ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee AMISOM, kaas oo ku dhintay weerar ay Shabaab ka geysteen Soomaaliya 2009-kii.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Buurndi waxa uu kulamo la qaadan doonaa Wasiirada kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Alain Aime Nyamitwe, Wasiirka Gaashaandhiga Emmanuel Ntahomvukiye iyo Wasiirka Amniga Alain Guillaume Bunyoni dalkaasi, si uu ugala hadlo arrimaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaa Ciidanka Burundi.


“Waxaan kala hadli doonaa Smail Chergu arrimaha Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi, oo maalmahan sheekadu ay aheyd in Ciidankeena ay ka baxayaan Soomaaliya, Ciidamadeena kaliya Soomaaliya uma joogaan in ay Shabaab la dagaalamaan, balse waxa ay raadinayaan nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata, sidaasi darteedan nabada Soomaaliya waa nabada aduunka “Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Alain Aime Nyamitwe.

Sidoo kale Alain Aime Nyamitwe Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxa uu sheegay Dowladda Burundi mar walba in ay ku howlan tahay sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabad ah, si dadka caalamka ay ugu yimaadaan booqasho.

Burundi ayaa ka mid ah Dalka Ciidamada badan kaga jiraan AMISOM, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,500 oo Askari, waxayna mushaar ahaan uqaadan jireen Bishii lacag dhan 5 milyan oo Euro.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®