SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waxgarad ka digay sii socoshada Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug


Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan habooneen in xilligaan Moshiin iyo kalsooni kala noqosho ay ku Mashquulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Waxaana Nabadoon Xaad uu ku nuux nuuxsaday in deegaanada Galmudug ay haatan ka jirto dhibaatooyin dabiici ah sida Abaaro iyo Colaado u baahan wax ka qabasho.

“ waxaan ka digayaa sii socoshada is qab qabsiga Siyaasadeed ee ragaadiyay deegaanada Maamulka Galmudug” sidaas waxaa yiri Maxamed Xasan Xaad.

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa dhawaan sheegay in Kalsoonidii ay kala laabteen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Tallaabadas oo sharci darro ay ku tilmaameen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamulkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas maadaama uu xiran yahay Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®