SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Axmed Madoobe Amar ku bixiyey in dhulka dowlada aan cidna qaadan karin

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Midoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka kunool degaanada maamulka Jubbaland laga doonayo in ay gacanta dowladda ay kusoo celiyaan dhulkii ay la aheyd dowladdii dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid haysan karta dhulkaasi , islamarkaana laga rabo dadka haystaa in ay kusoo wareejiyaan maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay tilaabo ka qaadi doonto dadkaasi hadii aysan Jubbaland usoo gacan gelin dhulkaasi.


Magaalada Kismaayo oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waa weyn Soomaaliya ayaa dowladdii dhexe waxaa ay ku laheyd dhulal aad u farabadan , waxaana xilliyadii burburka la wareegay Shaqsiyaad gaarka ah oo wali gacanta ku haya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in aysan dadka kunool Kismaayo aysan ka yeeli doonin in ay gacanta ku hayaan dhulkii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe , islamarkaana dhulkaasi uu hadda u baahan yahay maamulka Jubbaland.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®