SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabaab oo toogtay Askari u dhashay Uganda

 

Al-Shabaab ayaa toogtay Askari u dhashay dalka Uganda oo ay gacanta ku hayeen, waxaana Askarigaasi lagu qabtay dagaal Al-Shabaab iyo AMISOM dhexmaray Bishii September ee Sanadkii 2015 tii.

Sida ay daabacayaan Warbaahinta Caalamka Al-Shabaab ayaa Muuqaal ka soo duubay Askarigaasi ka hor inta aysan dilin.

Askarigaasi ayaa sheegay in ay dayacday dowladda Uganda ,islamarkaana muddo ka badan Hal sano uu gacanta ugu jiray Xarakada Al-Shabaab.


Sidoo kale Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintaani ayaa sheegaya in Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah Ehelada Askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wadahadal la gasho Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.

Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay soo furanayso Askarigaasi sanadkii 2016 dii.

Ilaa iyo hadda majirto Wax war ah oo kasoo baxay dowladda Uganda oo ku aadan toogashada loo geysatay Askarigaasi ka tirsanaa ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®